Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Buri’ Mohamed Hamza ayaa Maalinti labaad ku sugan casimadda dalka Hindia ee New Delhi halkaas oo uu kaga qeybgalayo Shir ay iskugu imaanayaan wadamada Africa iyo India oo ay Wasiiro iyo mas’uuliyiin sare lagu marti qaaday oo ka socda Qaarada Africa.
Shirkan oo ah kii tobanaad oo noociisa ah oo logu magadaray iskaashiga mashaariicda Afrika iyo Hindiya ,(10th CII-Exim bank Conclave on India-African Project Partnership) ayaa manta waxaa aad xooga loosaarayay sida ay maalgashiyaasha iyo ganacsatada India ay u maalgashan lahaayeen qaarada Afrika, iyadoo ay jireen shirar gooni gooni ah oo ay Madaxda kasocota Dalalka Afrika ay la lahaayeen Maalgashiyayaasha Dalka Hindiya.
waxaana Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Buri’ Mohamed Hamza, oo ay weheliyaan H.E. Ebyan Ladane Safiirka Somaliya u fadhiya Hindiya iyo Mr.Ahmed Mohamud (Xiish) xoghayaha koowaad ee safaarada Somaliya ee Hindiya. halkaas oo kulamo gooni gooni ah kula yeeshay shirkadaha ugu waawayn wadanka Hindiya oo uu Wasiiru dowluhu ku booriyay inay dalka yimaadaan ayna maalgashtaan maadaama oo ay Soomaliya haysato wadadii hormarka iyo dib udhiska, sharaxaadna uu ka bixiyay sida dowlada Soomaliya ay u soo dhawaynayso maalgashiyayaasha caalamiga ah.
Sidoo kale wasiiru dowlaha ayaa hadal ka jeediyay Shirka galabta oo uu uga hadlay muhiimada ay leedahay in dib loosoo nooleyo ganacsiga beeraha iyo dib u dhiska goobihi muhiimka ahaa ee wax soo saarka la xiriira beeraha iyo in gaanacsata Hindiya ay u soo jeedsadaan siday u maalgashan lahaayeen Dalka soomaliya.
Wasiiru Dowlaha H.E. Burci ayaa maalinta bari ah 11th march, waxa uu la kulmi doonaa Wasaarada Arimaha dibada India , dhigiisa wasaarada Ganacsiga iyo sidoo kale Machadka Diplomansiyada ee dalka India, halkaas oo kagala hadli doono sidii Dowlada HIndia iyo Dowlada Somaliya isku kaashan lahaayeen.