Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in xaalad deganaansho la’aaneed ay ka jirto deegaannada maleeshiyada Al-Shabaab ay uga sugan tahay gobolka.
Qaar ka tirsan dadka deegannadaas ayaa u xaqiijiyay Bar-kulan in maleeshiyadu ay gaadiidka dagaalka iyo agabyadeedii kala baxday fariisimo ay ku lahayd deegaannada Ceelbuur, Ceel-la-helay, Ceel-garas, Ceel-qoxle, Jacar, Bargaan, Gal-hareeri iyo kale.
Wararka ayaa intaas ku daraya in arrintani ay ka dambeysay kaddib markii maleeshiyadu ay ka war heshay abaabullo dagaal oo ku soo wajahan oo ka socda magaalada Dhuusamarreeb.
Horjooge Cabdullaahi Dige Fareey ayaa dadweynaha deegaannadaas ku amray in ay ka barbar dagaallamaan maleeshiyada, isagoo ugu hanjabay in haddii ay dagaalka lagali waayaan laga sumeynayo, lana aasayo ceelasha ay ka cabbaan dadka iyo xoolaha deegaannadaasi.
Cutubyo ka tirsan milatariga dalka Itoobiya oo qeyb ka ah howgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa shalay gaaray magaalada Dhuusamarreeb, kuwaas oo ciidammaa dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna ay wada qorshaynayaan weerarro milatari oo malleeshiyada looga saarayo deegannada ay uga sugan tahay gobolka Galgaduud.
Maleeshiyada ayaa labo toddobaad ka hor ku amartay dadweynaha degmada Ceel- buur inay ka baxaan magaalada, ciddii aan u hoggaansamin amarkaasna ay ula dagaallamayaan sida ciidamada dowladda haddii uu dhaco dagaal looga saaro magaalada.
Bar-kulan