Xaaladda Magaalada Xudur Oo Deggan Iyo Ciidamada Oo Saaka U Dhaqaaqay Dhinaca Degmada Waajid

0
986

ciidamadaDowladaXaaladda degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool oo ay shalay gacan ku heynteeda la wareegeen Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa saakay degan ayadoo ciidammaduna ay ilaa xalay magaaladaasi ka sameeyeen howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka.

Wararka ka imanaya magalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa sheegaya in saaka xafadaha magaaladaasi lagu arkayo cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida iyo kuwa AIMSOM oo howlgallo lagu xaqiijinayo laguna baadi goobayo haraadiga shabaab ka wada magaaladaasi.

Mamulka magalada Xudur ayaa shacabka ku dhaqan dagmadaasi ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidamada islamarkaana ay soo sheegaan haddii ay jiraan kooxo nabaddiid ah oo ku sugan magaladaasi, isagoo dhinaca kalena ka dalbaday hey’a daha samafalka in ay gargaar dag dag ah la soo gaaraan dadka ku dhaqan dagmadaasi.

Dhinaca kale ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa la sheegay in ay saaka u dhaqaaqeen dhinaca dagmada Waajid oo ka tirsan dagmooyinka gobolka Bokool, halkaasi oo ay ku sugan yihiin oo maleeshiyaadka Shabaab kuwaasi oo la tilmaamay iney soo wajahday xiligan welwel iyo baqdin dheeraad ah.

Radio Muqdisho