Xoogag ka tirsan Al-Shabaab ayaa dib u qabsaday deegaanada u dhaxeeya Dhuusa Mareeb iyo Ceelbuur, halkaasoo ay horay u soo mareen Ciidamada AMISOM ee Itoobiya ka socda iyo ciidamada Milateriga ee la wareegtay degmada Ceelbuur.
Sida ay sheegayaan wararka laga helayo deegaanadaas dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa lagu arkay deegaanada u dhaxeeya Ceelbuur iyo Dhuusa Mareeb.
Wararka ayaa sheegaya in deegaanada Ceel La-helay, Ceel Qooxle iyo Ceel Garas ay ciidamadan fariisimo ka sameysteen, halka qaarna ay isku hareereeyeen wadada u dhaxeysa Ceelbuur iyo Dhuusa Mareeb.
Xoogagan ayaa la sheegay inay bilaabi rabaan weeraro dhaba gal ah, isla markaana ay go’doomiyaan Ceelbuur, si sahayda iyo saanada ciidamada ee wadadaas u soo marta ay u kala jaraan ama ay weeraro is-daba joog ah ku qaadaan.
Taliyaha Ciidamada Milateriga Gobolka Galgaduud oo arrintan ka hadlay ayaa ku tilmaamay in deegaanada ay ka soo baxeen ee u dhaxeeysa Ceelbuur iyo Dhuusa Mareeb uu qorshaha ahaa xeelad dagaal ama taatik ay u degeen.
Al-Shabaab oo isaga baxayay dhamaan deegaanadii lagala wareegayay todobaadyadii la soo dhaafay ayaa ugu gol lahaa marka ay ciidamada qabsadaan degmada inay go’doomiyaan, weeraro ku dhufo ka dhaqaaq ku soo qaadaan.
Hase ahaatee Ciidamada AMISOM ayaa deegaanadaas waxay sahaydooda iyo saanadooda ku geeyaan diyaarado helicoptero ah, iyadoo maalin walba ay tagaan diyaaradahan.
Jowhar