Xukuumadda oo wadda qorshe lagu horumarinayo adeegyada bulshada

0
972

Qaloocow20140305Wasiir ku-xigeenka wasaaradda qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ee xukuumadda federaalka ee Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Cali (Qalloocow) ayaa sheegay in xukuumadda federaalka ay waddo qorshe lagu horumarinayo adeegyada bulshada, gaar ahaan caafimaadka, waxbarashada iyo shaqo u abuurista dhallinyarada.

Cabdullaahi Sheekh Cali oo maanta wareysi siiyay Bar-kulan ayaa tilmaamay in dalalka ku bahoobay Koonfur-koonfur ay dowladda federaalka ee Soomaaliya u ballan-qaadeen $20 milyan oo lagu horumarinayo adeegyada kala duwan.

Wasiir ku xigeenka iyo wafdi kale oo ka socday xukuumadda federaalka ayaa dhowaan dalka Qatar ugu qeyb-galay shir ay yeesheen dalalka ku bahoobay Koonfur-koonfur.

Dhinaca kale, Cabdullaahi Sheekh Cali (Qalloocow) ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in xukuumadda federaalka ee Soomaaliya ay dalka gaarsiiso sanadka 2016 inuu shacabka awood u yeesho inuu soo doorto madaxda hoggaamineysa, isla markaana laga baxo qaabka hadda lagu soo xusho madaxda dalka.