Yaman oo ka hadashay Dooni ay la socdeen dad u badan Soomaali oo ku degtay Xeebaha dalka Yaman

0
1012

Tahriib20131004_1Wasaaradda Difaaca dalka Yaman ayaa faafin ka bixisay dooni ay la socdeen dad Soomaali u badan oo ku qalibantay xeebta Bi’ir Cali ee gobolka koonfureed ee Shabwa ee dalka Yaman.

Masuuliyiin ka tirsan wasaarada Difaacafa dalka Yaman ayaa sheegtay in ugu yaran 42 Ruux oo Muhaajiriin ah ay ku dhinteen badda kadib markii ay la qalibantay doonidii ay saarnayeen.

Wasaadaradda difaaca ayaa sheegtay in ciidamada badda ee Yeman ay bad-baadiyeen 30 ruux oo kale oo Soomaali iyo Ethiopian isugu jira.

Hay’adda Socdaalka ee Adduunka ayaa sheegtay in kumanaan kun oo Ruux oo Soomaali iyo Itoobiyaan ah ay u gudbeen dalka Yemen sanad walbo.

Boqolaal ka mid ah dadkaas ayaa la sheegay inay dhexda ku dhintaan inta ay ku sii jedaan dalka Yamn si ay uga sii gudbaan wadanka Sacuudi carabiya oo ay aaminsanyihiin in ay taalo nolal dhaanta tan wadamadooda ka jirtam iyadoo ay xusid mudnatahay in dad gaaraya 12,000 oo Soomaali ah laga soo masaafuriyay dalka Sacuudi Carabiya sida Hay’addaha u dooda Xuquuqul Aadanaha ay shegeen.

Shabelle