Mas’uuliyiinta maamulka Koonfur-galbeed ee lixda gobol iyo guddoomiye ku xigeenka golaha guurtada ee maamulkaasi Ugaas Maxamuud Ugaas Nuur ayaa shalay tababar uga furay magaalada Baydhabo boqolaal askari, iyagoo ugu baaqay ganacsatada iyo jaaliyadaha dibadda inay garab-istaagaan maamulka Koonfur-galbeed sida ay yiraahdeen.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga maamulka Koonfur-galbeed ee lixda gobal ka kooban, C/fataax Ibraahim Geeseey ayaa sheeegay in ciidamadaasi ay ka mid yihiin kuwa maamulka lana siin doono lacag ku filan, isagoo seegay in ciidamadaasi ay noqonayaan ciidamada daraawiishta maamulka Koonfur-galbeed, ciidamadan ayaa tababarka looga furay fagaaraha xarunta ADC-da Baydhabo oo ah xaruntii lagu dhisay maamulka lixda gobol ka kooban ee Baydhabo lagu dhisay bilo ka hor.
Dhinaca kale warar aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in mas’iiliyiinta labada maamul ee Baydhabo lagu dhisay looga yeeray Muqdisho si ay kulumo ula qaataan madaxda dowlada federaalka Soomaaliya,lamana oga inay aqbaleen in labadaasi dhinac ay yimaadaan magaalada muqdisho, iyadoo harey uu qorshuhu ahaa in madaxda dowladda Soomaaliya ay mar kale dib ugu laabtaan magaalada baydhabo si ay halkaasi uga siiwadaan waan waan laga dhexsameeyo labada dhinac ee isku haya maamulada halkaasi looga dhawaaqay.
Arrintani ayaa ku soo aadeysa iyadoo ay fashilmeen wadahadalo dib u heshiisiineed oo ay labadaasi dhinac ka dhexwadeen ganacsato iyo aqoonyhanno reer Baydhabo,kadib markii sida la sheegay maamulka uu hogaaminayo Madoobe Nuunow ay diideen inay la fariistaan maamulka kale ee uu hoggaaminayo Maxamed Xaaji C/nuur oo ah ka kooban saddexda gobol.
Warkii