2 sarkaal oo ka tirsanaa Qaramada Midoobay oo lagu dilay magaalada Gaalkacyo

0
833

TargetingAssasinationLabo ka mid shaqaalaha Qaramada Midoobay hay’ada laglu magacaabo UNODC ayaa lagu diley magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. 

Shaqaalahan la dilay ayaa waxa la sheegay in ay ka soo degeen garoonka dayuuradaha magaalada Gaalkacyo waxaana rasaas ku furay mid ka mid ah ciidamada Puntland.

Wararku waxa ay sheegayaan in la qabtay askarigii ka dambeeyay dilka saraakiishan. Saraakiishan ayaa wararka ay sheegayaan in ay u shaqeynayeen hay’ad wax ka qabata arrimaha burcad badeeda.

Meydka labada nin ee ka tirsan shaqaalaha hay’adda WFP ayaa la sheegayaa in laga qaaday gudaha garoonka diyaaradaha, iyadoo la dhigay isbitaal uu lahaa garoonkaasi si loogu sii qaado magaalada Nairobi ee wadanka Kenya oo markii hore ay ka yimaadeen.

Dilka saraakiishan ayaa ku soo beegantay xilli uu maanta gaaray magaalada Gaalkacyo madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali.

Jowhar