Ugu yaraan afar qof oo ay labo kamid ah yihiin boolis ayaa ku dhintay qarax loo adeegsaday gaari la soo saaray waxyaabaha qarxa oo ku qarxay banaanka saldhiga booliska ee Pangani oo ah saldhiga booliska oo ay hoos timaado xaafada ay soomaalidu ku badantahay ee Islii.
Qaraxa ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad ay tiradoodu afar kor u dhaafeyso.
Wasaarada arrimaha gudaha ee dalka Kenya ayaa sheegtay in saraakiil ka tirsan ciidamada ilaalada wadooyinka ee taraafikada ay ka shakiyeen gaariga oo ay istaajiyeen,ka dibna u wade dhanka saldhiga booliska si loo hubiyo.
Gaariga ayaa lagu istaajiyay goob gawaarida lagu baaro oo u dhaw saldhiga booliska ee Pangani markii ay saacdu ahayd 08-55PM,waxana dhanka saldhiga u soo raacay gaariga labada askari ee geeriyootay.
Taliyaha ciidanka booliska ee dalka Kenya David Kimaiyo oo goobta uu qaraxu ka dhacay booqday ayaa xaqiijiyay dhimasha labada askari.
Booliska ayaa sheegay in ay hayaan oo ay su,aalo weeydiinayaan laba qof oo laga shakisanyahay.
Wararka ayaa sheegaya in qarax labaad laga helay gaariga,ka dibna ay si nabad ah ku qarxiyeen ciidamada booliska.
Qaraxan ayaa ku soo beegmayaa xili todobaadyadii ugu danbeeyay ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ay guud ahaan dalka gaar-ahaan xaafada islii ka wadeen howl gallo ay ku qabqabanayeen dadka sida sharci darada ah dalka ku joogo.