Ag. Guud ee Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Somalia oo faahfaahin ka bixiy shirka Abu dabi ee badaha

0
1117

Ag.Guud ee Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Somalia oo faahfaahin ka bixiyay Shir uu uga soo qeybgalay Magaalada Abuu Dubai ee dalka Isutagga Imaaraadka carabta kaas oo looga hadlayay Dhibaatooyinka badaha

Shirkaan oo muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Abuu Dubai ee dalka Isutagga Imaaraadka carabta ayaa waxaa soo qabanqaabisay Hay’adda Badaha Caalamka iyadoo ay kasoo qeybgaleen 21 –Agaasimeyaal guud oo kala matalayay Wasaaradaha Gaadiidka badda ee Wadamada Afrika iyo Carabta.

Agaasaimaha Guud ee wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Somaaliya Mudane maxamed Cusmaan cali Dhagaxtuur oo Soomaaliya u matalayay kaqeybgalka shirkaas ayaa isagoo ku sugan magaalada nairob uga warbixiyay Warbaahinta ahmiyadda uu lahaa shirkaasi waxa uuna xusay in agaasimeyaasha shirka isugu yimid ay go’aamiyeen in Wadamada Gobalka ay la wareegaan maamulka badahooda islamarkaana ay ka madax bannaanaadaan Hay’adda Badaha Caalamka oo markii hore gacanta ku haysay maamulka badaha.

Mudane Dhagaxtuur ayaa tilmaamay in sidoo kale agaasimeyaashu ay isku raaceen in Magaalada Muqdishu laga hirgeliyo Xarun ay ku wadaagaan wadamada Afrika iyo carabta warbixinnada ku saabsan Dhibaatooyinka lagu hayo badaha maadaama ay maraakiibta shisheeye qaarkood ay wasaqeeyaan badaha islamarkaana ay si sharci darro ah uga kalluumeystaan, isagoo intaasi ku daray in Xarumaha Information Sharing-ka ay sidoo kale horay uga sameysnaayeen wadamo ay kamkid yihiin Tanzania iyo Jabuuti..

Shirkaan agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha Gaadiidka badda Dowladaha afrika iyo carabta ugu soo gebogeboobay Magaalada abuu Dubai ayaa gogol xaar u ah Shir Heer wasiir ah oo la filayo in bisha may lagu qabto Magaalada London ee xarunta dalka Uk kaas oo Soomaaliya uu uga qeybgeli doono Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowlada Somalia, waxaana wasiiradu ay qalinka ku duugi doonaan soo jeedinta ay sameeyeen agaasimeyaasha guud ee ku shiray magaalada Abu Dubai ee dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta.

DGDekadaMuqdisho20140430_2 DGDekadaMuqdisho20140430_1