Ahlusuna oo fashil ku tilmaamtay Dagaalka Dowladda iyo Amisom ay ku qaadeen Shabaabka Gobalada Dhexe

0
916

AhlusunaUrurka Ahlusuna Gobalada dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa waxa ay shaaca ka qaadeen inuu fashilmay dagaalka Dowladda Soomaaliya ay ku qaaday Al-Shabaabka ku sugan Gobalada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Warkaan ayaa waxaa shaaca ka qaaday Madaxa arimaha Bulshada ee Ururka Ahlusuna Gobalada Dhexe Mursal Sheekh Maxamed Xeefoow, xilli uu la hadlaye Idaacada Kulmiye oo Muqdisho ku taalo.

Wuxuu sheegay sarkaalkaan ka tirsan Ahlusunada Gobalada Dhexe inaan laga fekerin dagaalka Dowladda ay Shabaab ku qaaday, maadaama sida uu sheegay Dowladda ay bartilmaameed ka dhigatay kaliya Magaalooyinka oo aysan muhiimada siinin tuulooyinka iyo deeganada.

“Maxaas wey qabsadeen waad aragtay aaga dhan Shabaab ayaa jooga Buulo burde sidoo kale Ceelbuur wey qabsadeen dhaxdaa loogu jiraa Tuulooyinkii dhamaa Shabaab ayaa haysta”Ayuu yiri Mursal Sheekh Maxamed Xeefoow.

Ciidamada Ahlusuna ayuu xusay inaysan qeyb ka aheyn dagaalka ka socda Gobalada dhexe ee Shabaab looga saarayo, inkastoo buu yiri uusan guuleysan howlgalkaasi oo ay uwada dhamaayeen ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa hada ku sugan sida la sheegay dhulka udhaxeeya Ceelbuur iyo Degmada Dhuusomareeb, halkaasi oo ay udabamareen ciidanka huwanta ee la wareegay gacan ku haynta Degmada Ceelbuur.

Ahlusuna iyo Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka dhexjira khilaaf, iyadoo hada uu socdo wadahadal Dowladdo caalami ah ay qeyb ka yihiin oo Ahlusuna iyo Dowladda lagu dhex-dhexaadinayo.