Al-Shabaab ayaa ka codsaday beelaha ku dhaqan Gobolka Shabeelaha Hoose inay kala qeyb qaatana dagaalka ay kula jiraan ciidamada dowladda iyo AMISOM oo maalmihii u dambeeyay la wareegay deegaano ka tirsan Gobolka.
Wakiilka Al-Shabaab u qaabilsan Shabeelaha Hoose Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu la qaatay mid ka mid ah beelaha dega Gobolkaas, isagoo ugu baaqay inay qaataan kaalintooda ku aadan dagaalka.
“Dagaalkan waa dagaal umadeed, waa inaad ka qeyb qaadataan jihaadkan, waxaa nagu soo duulay gaalo oo dhan, beelaha gobolka dega oo dhan ha qaataan kaalintooda dagaalka lagula jiro cadawga”ayuu yiri Abuu Cabdalla.
Abuu Cabdalla ayaa sheegay in Al-Shabaab aysan heyn tabar la’aan ku aadan dagaalka, waxaana uu xusay in meel walba ay ku sugan yihiin, dagaalkana ay sii wadayaan sida uu yiri.
“Beelaha Murusade, Duduble iyo Xawaadle waxay ka qeyb qaadanayaan dagaalka lagula jiro cadawga, waa inaad idinka safka hore ka gashaan”ayuu yiri Wakiilka Al-Shabaab ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo ku guubaabinayay beelaha inay dagaalka soo galaan.
Al-Shabaab ayaa maalmihii u dambeeyay lumiyay degmooyin dhowr ah oo ka tirsan Gobolada Koofurta iyo Bartamaha, halkaasoo guluf dagaal oo xoog leh ay ku qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.
Jowhar