Al-Shabaab oo xalay weerartay Ceelbuur

0
941

AlshabaabBaraawa2Dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo maleeshiyada Al-Shabaab ayaa xalay ka dhacay degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Taliyaha ciidamada dowladda ee degmada Ceelbuur, gaashaanle Maxamed Kaahiye Carraale oo u warramay Bar-kulan ayaa sheegay in uu dagaalku yimid kaddib markii ay maleeshiyada xalay saqdii dhexe weerar kusoo qaadday fariisimaha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOMA ay ku leeyihiin agagaarka magaalada.

Taliyaha ayaa sheegay in dagaalka oo socday hal saac aysan ciidamada kasoo gaarin wax khasaare ah, isla markaana ay hub iyo saanad uga qabsadeen maleeshiyada.

Sarkaalka ayaa tilmaamay inaysan xilligan hubin inta uu la egyahay khasaaraha gaaray maleeshiyada, hase yeeshee ay ciidamadu saakay billaabeen howlgallo ay ku baacsanayaan maleeshiyada.

 

Bar-kulan