Ambassador Cali Ameriko oo Maanta Booqday Soomaalida ku Xirxiran Garoonka Kasaarani

0
982

Mas’uuliyiinta safaarada dowlada Soomaaliya ay ku leedahay dalka Kenya oo uu hogaaminayay Ambasador Maxamed Cali Nuur (Americo) ayaa maanta soomaalida ku xirxiran garoonka kubadda cagta ee Kasaraani ee ku yaalo magaalada Nairobi.

Booqashada mas’uuliyiinta safaarada dowlada Soomaaliya ay ku tageen garoonka Kasaraani ayaa waxa ay ahayd u kuur galidda xaalada ay ku suganyihiin dadka soomaaliyeed ee boqolaalka gaaray oo ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ay ku qabteen howlgaladii labadii todobaad ee ugu danbeeyay ee ay ka wadeen xaafada ay soomaalidu ku badantahay ee Islii.

Soomaalida ku xiran garoonka Kasaraani ayaa waxa ay isugu jiraan dhalinyaro,haween,caruur iyo dad da, ah.

Dadka Soomaaliyeed ee ku xirxiran garoonka Kasaraani ayaa waxa ay ka cabanayaan cunto la,aan ,nadaafad daro iyo in aysan helin meel ay ka galaan roobka ay qabowga xiliga habeenkii ah ka jira magaalada Nairobi.

Qaar ka mid ah haweenka ku xira garoonka ayaa sheegay in loo diiday in ay arkaan oo ay nuujiyaan caruurta oo looga so tegay guryaha halka kuwa kalana ay sheegeen in aysan meel ku ogeyn caruurtii oo laga soo waday iyaga oo iskuulo ku maqan.

Ciidamada ayaa Iridda hore ee garoonka ku celinayay ehelda dadka ku xirxiran garoonka oo raashin iyo biyo u waday eheladooda xiran.

Dadka Soomaaliyeed ee ku xirxiran garoonka Kasaraani ayaa waxa ay haystaan waraaqaha qaxootiga oo ay bixiso hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan soomaaliya ee UNHCR iyo hay’adda dowlada Kenya u qaabilsan diiwaan galinta qaxootiga ee loo yaqaano DRA.

Gudaha garoonka waxaa Computero dhigtay mas’uuliyiin ka socotay hay’adda dowlada Kenya u qaabilsan diiwaan galinta qaxootiga DRA waxana ay baaritaan ku sameeynayeen kaarka qaxootiga ee Alien-ka oo ay bixisay dowlada Kenya,laakiin ma joogin garoonka mas’uuliyiin ka socotay hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR oo dad xirxiran qaarkood ay wateen waraaqo ay bixisay.

Safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Nuur (Ameriko) ayaa u sheegay dadka xirxiran in la sii deyn doono dadka wata waraaqaha ay bixisay UNHCR iyo hay’adda DRA.

Ambassador Cali Ameriko ayaa ugu baaqay hay’adda UNHCR in ay timaado garoonka oo ay xaqiijiso dadka heysto waraaqaha Mandate-ka oo ay bixisay.

Dadkan Soomaaliyeed ee boqolaalka gaaraya ayaa lagu qabqabtay howlgaladii ugu danbeeyay oo ay ciidamada Ammaanka Kenya ka sameeyeen xaafada Islii oo ay Soomaalidu degto.

Ambassador Cali Ameeriko ayaa markii uu ka soo laabtay garoonka Kasaraani waxa uu ku wargilyay waxyaabihii uu ku soo arkay wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Kenya Josof Ole lenku.

Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Kenya ayaa ka dib tegay garoonka si uu indhihiisa ugu soo arko dadka ku xiran garoonka Kasaraani,waxana uu balan qaaday wasiirku in bari la sii deyn doono haweenka iyo caruurta xiran.

Safiirka ayaa wado dadaal ku aadan sidii loo sii deyn lahaa dhamaan dadka haysta waraaqaha qaxootiga ee ku xirxiran garoonka Kubadda cagta ee Kasaraani.

NairobiSomalidaQafaash20140411_1 CaliAmerica20140411 NairobiSomalidaQafaash20140411_2 NairobiSomalidaQafaash20140411_3 NairobiSomalidaQafaash20140411_4 NairobiSomalidaQafaash20140411_5 NairobiSomalidaQafaash20140411_6