Baarlamanka Jarmalka oo u codeeyay in ciidamo ka socda loo diro Soomaaliya

0
951

SomaliMapBaarlamaanka Jarmalka ayaa ansixiyay in ciidamo ka socda dalkaas loo diro Soomaaliya, si ay tababar u siiyaan Ciidamada dowladda Soomaaliya, iyadoo tani qeyb ka noqoneyso Howl galka Midowga Yurub ee Tababarka ciidamada Soomaalida.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ansixiyay qorshahan oo markii hore Baarlamaanka uu diiday in ciidamo Jarmal ah loo diro, si ay tababar u siiyaan ciidamada Milateriga Soomaaliya oo tan iyo sanadkii 2010 lagu tababarayay xero ku taal dalka Uganda.

Saraakiil Jarmalka ayaa horay qeyb uga ahaa Tababarka la siinayay ciidamada dowladda Soomaaliya, intii aan loo soo rarin sanadkan Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho, waxaana taas ay keentay in jarmalka ay ka haraan howl galka Midowga Yurub ee loo soo wareejiyay Soomaaliya dhamaadkii sanadkii hore.

Xildhibaanada Baarlamaanka dalka Jarmal ayaa aqbalay in wax laga bedelo in siyaasadoodii hore ee aheyd in ciidamo ka socda dalkaas oo gaaraya ilaa labaatameeyo askari loo diro Soomaaliya.

Ciidamada Jarmalka iyo saraakiishooda ayaa tababaro gaar ah siin doona Ciidamada soomaalida, iyagoo sidoo kale ka caawin doona dhanka la talinta dhaqanka bulshada, waxaana tababarkan uu ka dhici doonaa Xero ku taal magaalada Muqdisho oo lagu tababaro Ciidamada Milateriga Soomaaliya.

Jarmalka ayaa ku biiraya Tababarayaal milateri oo ka socda dalalka Ingiriiska, Mareykanka, Talyaaniga iyo kuwa kale oo reer Yurub ah, kuwaasoo ku sugan magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Jowhar