Boliiska Kenya oo shaaciyay mid kamid ah dadkii isku qarxiyay saldhiga Boliiska Pengani

0
1210

KenyaFlag1Ciidamada Boliiska wadanka Kenya ayaa shaaciyay Magaca will ay ku shegeen in uu ka mid ahaa labadii qof ee isku qarxisay Saldhiga Ciidamada Boliiska pengani ee duleedka Xaafadda ay Soomalidu degto ee Islii ku yaala.

Wiilkan ay Ciidamada Boliiska Kenya shaaciyeen magaciisa ayaa waxa lagu magacaabaa Abdul Hajira kaas oo uu dhalay mid ka mid ah Sarakaal ka tirsan Ciidamada Difaaca wadanka Kenya.

Abdul Hajira ayaa la sheegay in uu horay uga tirsanaan jiray kooxda Kenya Premier League ee dalka Kenya isagoo la sheegay in la wayay sanadii 2010.

Aabaha dhalay Hajira ayaa Ciidamada Boliiska Kenya u sheegay in wiilkiisa uu la’yahay in ka badan 1 sano uuna tuhun sanaa in wiilkiisa uu aaday dalka Soomaaliya si uu uga barbar dagaalamo Xarakada Al Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta.

Arintan ayaa imaaneysa xilli dhawaan Ciidamada Boliiska Kenya ay gacanta ku dhigeen gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay kaas oo ay u qaadeen saldhiga Pengani kadibna markii ay geeyeen afaafka hore ee saldhiga ay is qarxiyeen laba qof oo garigaasi lagu soo qabtay halkaas oo ay ku dhinteen 4 qof oo laba ka mid ah ay ahayeen saraakiisha boliiska Kenya halka 2 qof ee kala ay ahayeen labadii qof ee gaaari waxyaabaha qarxa lag soo buuxiyay watay.

Shabelle