Boqorka Dalka Holland Willem-Alexsander ayaa warqadihii Danjirenimo ka guddoomay Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub Mudane Cali Saciid Faqi, waxaana danjiraha lagu soo galbiyay fardaha Boqortooyada ee dalkaasi oo markii uu halkaasi gaaray ay ciidamada baambeyda ay u qaadeen heesta calanka Soomaaliya.
Intaas kaddib ayaa waxaa shir albaabadu u xiranyihiin oo Saxaafadu dibad joog ka ahayd qaatay Boqorka dalka Holland Willem -Alexsander iyo Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub,Dr Cali Siciid Faqi, iyagoo ka wada hadlay arrimo badan oo xaaladda dalka ku saabsan.
Danjiraha ayaa waxaa uu sida oo kale kulan la qaatay mas’uuliyiinta Wasaaradaha Arrimaha dibedda iyo Cadaaladda, iyagoo ka wada hadlay xariirka ganacsi ee labada dal.
Talaabadaan ayaa waxay noqonaysaa mid horumar ah oo ay ku tilaabsatay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaa sida oo kale aad ugu riyaaqay Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Netherland.
Xiriirka Diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Holland ayaa maaanta waxa uu noqonayaa Bog cusub 23 sanno kaddib.
Radio Muqdisho