Buri’ Hamza oo kulan la yeeshay Safiirka dowladda Masar u qaabilsan Soomaaliya Mohmoud Auf.

0
1266

BuriHamza20140407_1Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Buri’ Mohamed Hamza ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Safiirka Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar Ambassador Mohmoud Mohamed Auf oo ay ka wada hadleen xoojinta Xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo arrimaha wadaagga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Masar.

H.E. Buri’ Hamza ayaa uga mahadceliyay dowladda Masar taageerada iyo garab istaaga Xukuumadda iyo Shacabka Soomaaliyeed , isagoo xusay in loo baahan yahay kobcinta iyo balaarinta iskaashi dhinacyo badan leh oo dhexmara labada dowladood , si loo fuliyo mashaariic horumarineed oo wax ku ool u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa intii lagu guda jiray kulanka , waxa uu ka codsaday dowladda Masar inay kaalin muuqata ka cayaarto taageeridda barnaamijka dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku caawineyso dadka ku nool gobolada iyo degmooyinka dhowaan laga xoreeyay gacanta kooxda nabad diidka ah, si looga hirgeliyo deegaanadaasi goobo waxbarasho iyo rugo caafimaad, loona dhameystiro adeegyada kala duwan ee bulshada.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Buri’ Mohamed Hamza ayaa xusay muhiimadda ay leedahay shaqo abuur loo sameeyo dhalinyarada iyo dadka ku nool deegaanada la xoreeyay , ayna soo dedejin karto nabadda iyo deganaanshaha, horseedna u noqon karto horumar dhaqaale iyo bulsho.