Caasimada Kenya ee Nairobi oo xaley lagu diley Wiil uu dhalay ganacsade Abuukar Cumar Cadaan

0
999

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa xalay fiidnimadii lagu toogtay wiil uu dhalay ganacsadaha Soomaaliyeed ee caanka ah Xaaji Abuukar Cumar Cadaan sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya magaaladaas.

Marxuum Saciid Abuukar Cumar Cadaan ayaa waxaa rasaas ku furay kooxo bastoolado ku hubeysan oo weerar ku soo qaaday wax yar ka dib markii uu ka soo baxay Banki ku yaala magaalada Nairobi, wadada Mombasa road, uuna sii galayey gaarigiisa.

C/sataar Xasan Cali oo ka mid ahaan jiray masuuliyiinta safaarada Soomaalida ee Kenya ayaa sheegay inaan illaa hadda la ogeyn cida ka dambeysay iyo sababta loo dilay Saciid Abuukar oo uu xusay inuu ahaa ganacsade.

“Booliska ayaa ku haya baaritaan wixii ka soo baxa ayaa la sugayaa, lama oga illaa hadda cid dishay iyo sababta loo dilay, raggii falkaas geystayna wey ka baxsadeen goobtaas, geerida marxuumkana dhamaan eheladiisa waa lagu wargeliyey” ayuu yiri C/sataar.

Dilka magaalada Nairobi loogu geystay marxuum Saciid Abuukar Cumar Cadaan ayaa ku soo aadaya xili magaaladaas uu ka socdo raaf ka dhan ah Soomaalida ka dib markii ay ka dhaceen qaraxyo dhimasho iyo dhaawac badan sababay todobaadkii hore.

 

Warkii

 

TargetingAssasination