Ciidamada Ethiopia oo xabsiga dhigay taliyaha amniga degmada Guriceel

0
1134

EthiopianArmy20140122Ciidamada Ilaalada Xuduudaha Ethiopia ayaa Xabsiga u taxaabat Taliyaha Amniga Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud iyo Xubno la shaqeynayay.

Taliyaha iyo Xubnahaan la socday ayaa la sheegay in la qabtay Xadka Soomaaliya iyo Ethiopia halkaas oo aan la shaacin sababaha ay ugu safrayeen.

Saraakiil ka tirsan Ururka Ahlusunna Waljamaaca oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay wadahadallo ku aadan siideynta Taliyaha iyo Xubnaha kale ee wehliya ay kula jiraan Saraakiil ka tirsan Ciidamada Ethiopia.

Dhanka kale Saraakiisha Ethiopia ayaan weli wax faah faahin ah ka bixin Taliyaha Xagga Amniga Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Shabelle