Ciidamada Kenya oo dad Soomaali u badan ku qab qabtay Mombassa

0
942

NairobiSomalidaQafaash20140411_1Ciidamada Boliiska Magaalada Mombassa ee dalka Kenya ayaa howl gallo balaaran oo ay ka sameeyeen Magaalo xeebeedka Mombassa ku qab qabtay inkabadan 100 qof oo Soomaali u badan, kuwaas oo la sheegay in ay si sharci darro ah ku joogeen dalka Kenya.

“Boqolaal ka tirsan Boliiska ka hortaga Argagaxisadda iyo Saraakiil ka socday Laamaha Socdaalka Kenya ayaa fuliyay howl galladda oo laga sameeyay Deegaanada Changamwe iyo Nyali oo ka tirsan Magaalada Mombassa, waxaana ku bacsaneynay dadka sharci darrada ku jooga dalka Kenya waana sii wadi donnaa qab qabashada iyo howl gallada aanu ka bilownay Magaalada Mombassa” sidaasi waxaa yiri Sarkaal ka tirsan Ciidamada Boliiska Magaalada Mombassa oo ka warbixinayay howl gallo ay ka sameeyeen Magaalo xeebeedka Mombassa ee dalka Kenya.

Howl galladaan ay Ciidamada Boliiska Mombassa ka billaabeen Magaladaasi ayaa imaanaya xilli howl gallo todobaadyo galay ay Ciidamada Kenya ka wadaan Xaafadda ay Soomaalidu degto ee Islii ee Magaalada Nairobi, laguna qab qabtay in kabadan 4,000 oo qof oo Soomaali u badan, iyadoo dowladda Kenya ay ku sii hanjabtay in ay sii wadi doonto howl gallada ay ku baacsaneyso dadka Sharci darada ku jooga dalka Kenya, walow hay’addaha u dooda xuuqul insaanka ay si kulul u canbaareeyeen xariga lagula kacay dadka Soomaalida ah ee ku nool dalka Kenya iyo xad gudub yadda ay kala kulmayaan Ciidamada Kenya ee howlgaladda ka fulinaya Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi.