Ciidamadii ku sugnaa deegaanka Goobweyn oo loo soo daad-gureynayo magaalada Kismaayo

0
1329

kismayo20130610Ciidamadii milateriga ahaa ee ku sugnaa deegaanka Goobweyn ee duleedka Kismaayo ayaa la bilaabay in dib loogu soo celiyo magaalada, kadib wada hadalo maalmihii u dambeeyay socday oo la xiriiray sidii ciidamadaas lagu soo xareyn lahaa xero ku taal magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in wada hadalada maalmahan socday oo uu qeyb ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed is afgarad laga gaaray, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda in ciidamadaas Axmed Madoobe kula dagaalamay magaalada Kismaayo in dib loogu soo celiyo magaalada.

Wasiir kuxigeenka howlaha guud Maxamed Ismaaciil Shuure ayaa sheegay in meel wanaagsan ay marayaan dadaalada ciidamadaas dib loogu soo celinayo Kismaayo, waxaana uu xusay in ciidamada lagu xareyn doono xero milateri.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee ka mid ah wafdiga Ra’iisul wasaaraha ayaa soo dhoweeyay wada hadalada, waxaana dhinaca kale socda dadaalo la isku soo dhoweynayo Axmed Madoobe iyo Col. Barre Hiiraale.

Ciidamadan Milateriga ayaa sanadkii hore waxay magaalada Kismaayo kula dagaalameen ciidamadii Axmed Madoobe, kadib dagaal maalmo socday ayaa laga saaray magaalada, waxaana bilihii u dambeeyay ay ku sugnaayeen deegaanka Goobweyn.

Jowhar