70 Askari oo ka socda Dowladda Uganda islamarkaana hordhac u ah Ciidamo gaaraya 400 oo Askari oo Qaramada Midooday ay ugu talagashay in ay Ilaalo gaar ah u noqdaan Shaqaalaha Qaramada Midoobay iyo Xarumaha ay ku leedahay Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa ay ka soo dageen Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.
Ciidamadan oo Darees ahaa watay labiska gaar ah ee loogu talagay Qaramada Midoobay ayaa markii ay ka soo dageen Garoonka Aadan Cadde waxaa ku soo dhawaayay Madax ka tirsan Qaramada Midoobay gaar ahaan Ergayga u qaabilsan Soomaaliya Nichklos Key iyo Saraakiil kale.
Ugu dambeyn, Qaramada Midoobay ayaa Sanadkii hore ansixisay in Ciidamo gaar ah oo ka socda Dowladda Uganda kuwaasi oo ka madax banaan Ciidamada AMISOM in ay Ilaalo gaar ah ka noqdeen Xarumaha Qaramada Midoobay ay ku leeday Muqdisho kadib markii Weeraro qorsheysan ay Dagaal yanada Al Shabaab ku qaadeen Xarumaha ay ku leedahay Muqdisho.
Shabelle