Ciidamo la wareegay saldhigga iyo xarunta degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho

0
1221

NabadsugidaCiidamo isugu jira Boolis iyo nabadsugid ayaa la wareegay xarunta maamulka degmada Kaaraan iyo saldhigga booliska degmadaas.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan oo ah qaar aan hore uga howlgali jirin deegaankaas ayaan iyadoon aan wax iska horimaad ah dhicin la wareegay saldhigga iyo degmada Kaaraan.

La wareegida ciidamadan xarunta maamulka iyo saldhigga inay salka ku hayso wareegto ka soo baxday guddoomiyaha gobolka Banaadir taasoo amraysay in guddoomiyaha degmada Kaaraan uu baneeyo xafiiska isla markaana ku wareejiyo guddoomiye cusub oo la soo magacaabay.

Guddoomiyihii degmada Kaaraan Cali Calasow Xasan ayaa la sheegay inuu ka diiday in uu wareejiyo xilka guddoomiynimada degmada Kaaraan.

Qaar kamid ah guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir ayaa laga qaaday xilka iyadoo loo magacaabay guddoomiyaal cusub.

Gudoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Janeral Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) oo la hadlay saxaafada Muqdisho ayaa xaqiijiyey in ciidamadaan booliska iyo kuwa nabad sugida ee la wareegay xarunta iyo saldhiga degmada Kaaraan.

Jowhar