Wasiirka Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed oo shalay ka hor hadlayay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ilaa sideed wado oo ku yaal magaalada Muqdisho ay u xiran yihiin sababo amni awgood, iyadoo wadooyinka xiran ay intaas ka badan yihiin.
Mr Guuleed ayaa sheegay in jidadkaas lagu xiray amar iyo go’aan ay isla gaareen Gudiga Amniga Qaranka, kadib markii la helay qatar xaga amniga lid ku ah, waxaana uu xusay in haatan ay socdaan qorshayaal lagu furayo jidadka xiran.
“Jidadka aan ogahay waa sideed jid, jidadka soo gala bankiga dhexe, midna waa jidka toos u gala hotelka curuba, midna waa jidka soo gala Waaxda dad dhigista ee degmada Shingaani, midna waa qeyb ka mid ah Xarunta Hey’adda nabadsugida Qaranka, waxaa kaloo jira qeyb ka mid ah wadada hor marta Wasaarada Amniga Qaranka, Wadada hor marta Safaarada Turkiga oo gebi ahaanba go’an iyo qeyb ka mid ah wadada aada Garoonka diyaaradaha oo ah Jidka hor mara Xarunta UN-ka iyo wadada hor marta Wasaarada Cadaalada”ayuu yiri C/kariin Xuseen Guuleed.
Wasiirka Amniga ayaa sheegay in wadooyinkaas lagu xiray go’aan ka soo baxay Gudiga Amniga Qaranka, maadaama loo gartay in si gaar ah loo ilaaliyo, isla markaana ay qataro ka yimaadeen sida uu yiri.
Mar uu ka hadlay shir Golaha Wasiirada dhowaan ka yeeshay wadooyinka xiran ayuu sheegay in gudi loo saaray, waxaana uu xusay inay ku dadaalayaan sidii jidadka wixii lagama maarmaanka u aheyn amniga in la furo sida uu yiri.
Wasiirka Amniga Qaranka ayaa lagu wadaa in maalintii labaad uu su’aalo uga jawaabo Xildhibaanada Baarlamaanka, iyadoo kulankii shalay su’aalo adag lagu weydiiyay oo aanu qaarkood si waadix ah uga jawaabin.
Inkastoo Wasiirka Amniga uu sheegay in sideed jid kaliya ay og yihiin inay xiran yihiin ayaa hadana waxaa jira jidad badan oo la iska xirtay, waxaana ka mid ah jid cadayaal soo gala xaafado badan oo ay xirteen Hey’ado Amni, NGO iyo Hotelo.
Jowhar