Col. Barre Hiiraale oo ka soo horjeestay dadaaladii uu Ra’iisul Wasaaraha ka waday Kismaayo

0
903

BarreHiiraaleCol. Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) ayaa ka soo horjeestay dadaaladii dhinaca dib u heshiisiinta ee uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed ka waday magaalada Kismaayo, isagoo ku goodiyay inuu sii wadayo dagaalka uu kula jiro Maamulka KMG ah ee Jubba.

Barre Hiiraale oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in magaalada Kismaayo uu ka jiro xasuuq, isla markaana dadka rayidka ah si joogto ah loogu dilo.

“Iska daa inaan wada hadal la galo maamulka la yiraahdo Jubba, maba aqoonsani, waxaan la geli doonaa dagaal”ayuu yiri Barre Hiiraale oo ku gacan seyray dib u heshiisiinta uu waday Ra’iisul Wasaaraha oo muddo todobaad ku sugan Kismaayo.

Barre Hiiraale oo sii hadlayay ayaa yiri “Magaalada dadkeeni baa jooga qofkii la dilo, qofkii la dhaco, qofkii la kufsado dhamaan anaga ayeey nala soo xiriiraan, dadka waa lagu tuntaa Magaalada Kismaayo waa la laayaa”.

Waxaa uu ku tilmaamay Safarka Ra’iisul Wasaaraha inuu yahay mid nasiib daro ah, maadaama sida uu yiri uu u noqday koox Kismaayo dadka ku leysa sida uu hadalka u dhigay.

“Waa nasiib daro weyn safarka uu Ra’iisul Wasaaruhu ku tagay Kismaayo oo uu marti ugu noqday isagoo Ra’iisul Wasaarihii dalka ah koox dadka ku leysa magaalada, anagana marnaba dagaalka ma joojineyno ilaa dadka reer Kismaayo xoriyad ka helayaan”ayuu yiri mar kale Col. Barre Hiiraale.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waday dadaalo uu isugu keenayay dhinacyadii ku dagaalamay Kismaayo iyo soo xareynta ciidamadii ku sugnaa duleedka Kismaayo, inkastoo dadaaladaas aanan lagu wada guuleysan, markii Barre Hiiraale uu diiday dadaaladaas.

Col. Barre Hiiraale iyo saraakiil kale ayaa dagaal looga saaray sanadkii hore magaalada Kismaayo, iyadoo ay ku sugan yihiin deegaanka Goobweyn ee duleedka Kismaayo.

Jowhar