Dagaal culus oo qabsaday Ciidan ka baxay Baydhabo iyo gaari dagaal oo laga gubay

0
815

Ciidamadaxooga2Dagaal culus, ayaa ka dhacay inta u dhaxeyso Baydhabo iyo Buurhakabo ee Gobolka Baay, ka gadaal markii wadada loo galay gaadiid ay la socdeen Ciidamada Militariga ee Dowladda Soomaaliya.

Ciidamadaan oo ka soo amba baxay Magaalada Baydhabo, ayaa wuxuu dagaalku ku qabsaday Deegaanka Buur Madow, isla-markaana dagaalka wuxuu ku bilowday gantaalka garbaha laga tuuro, oo lala helay mid ka mid ah gaadiidkii Ciidamada Dowladdu ay saarnaayeen.
Xoogaga Shabaab, ayaa rasaas xoogan ku harqiyay Ciidamadii Militariga, iyadoo uu halkaasi ku dhex maray dagaal culus, oo hal saac oo xiriir ah ka soconaayay Deegaanka Buur Madow.

Ciidamada Dowladda, ayaa waxaa la sheegay in weerar qorsheysan ay kala kulmeen Xoogaga Shabaab, inkastoo markii dambe uu soo gaaray gurmad ka soo dhaqaaqay Deegaanka Deynuunaay, oo 26km u jirto Baydhabo.

Ciidamada Militariga, ayaa riixay mintidiinta Shabaabka ee weerarka soo qaaday, kuwaa oo u gurtay dhinaca hawdka, iyadoo halkaasina laga soo qaaday meydad iyo dhaawacyo ka tirsan Ciidamada Dowladda.

Ugu yaraan 3 askari, ayaa la xaqiijiyay dhaawacyadooda in la soo gaarsiiyay Isbitaalka guud ee Baydhabo, si halkaasi wax looga qabto xaaladooda caafimaad, iyadoo sidoo kalana ay jiraan tiro askar ah oo dagaalka lagu dilay.

Sarkaal ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Gobolka Baay ka hawlgala, ayaa warkii.com u sheegay in ay ogyihiin dhimashada laba askari, walow uu sheegay in dhimashadu ay intaasi ka badan karto.

Sarkaalkaan oo diiday in magaciisa Warbaahinta loo adeegsado, ayaa ku waramaaya in uu jiro khasaaro sidoo kale la gaarsiiyay dagaal-yahanada Shabaabka, laakiin aynaan ogayn inta uu le’eg yahay.

Warkii