Shirkadda Dahabshiil iyo Bangiga Lacagaha Barclays ee Dalka UK ayaa ugu danbayntii gaaray heshiis meesha ka saaraya dacwad in muda ah u dhaxaysay oo gaaray heer Maxkamadeed.
War qoraal ah oo ka soo baxay Shirkadda Dahabshiil ayaa lagu sheegay in heshiiska labada dhinac dhaxmaray oo ka dhacay Magalaada London qorayo in muda KMG ah loo siiyo Dahabshiil si macaamiil kale u raadsato.
Agaasimaha Shirkadda Dahabshiil Cabdi Rashiid Ducaale ayaa sheegay in howsha Shirkada si caadiya u socon doonaan macaamiishana sidii hore adeega u heli doonaan.
Hayeeshee waxa uu sheegay in ay raadsan doonaan adeegya kale oo u bedala adeega bangiga Barclays maadaama mudada KMG ah ay fursada u haystaan in ku raadsadaan.
Warkii