Danjiraha Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa faah faahin ka bixiyay xariq ay ciidamada Kenya u geysteen Qunsulka Safaaradda Soomaalida ee Kenya.
Mudane Maxamed Cali Ameeriko Danjiraha Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa Radio Muqdisho u sheegay in ciidamada Kenya ay xireen Qunsulka Safaaradda Soomaalida ee dalka Kenya Mudane Siyaad M. Shire, isagoo arintaasi ku tilmaamay xad gudub iyo meel ka dhac loo geystay Diblomaasi Soomaaliyeed.
Danjire Maxamed Cali Ameeriko ayaa muujiyay sida uu uga xunyahay dhibaatada guud ee lagu hayo Soomaalida ku nool dalka Kenya gaar ahaan xariggi ugu dambeeyay ee loo geystay Qunsulka Safaaradda, Mudane Siyaad M. Shire.
Dhinaca kale Danjire Ameeriko ayaa tilmaamay inuu warqad dacwo ah oo la xiriirta xariga Diblomaasiga u qoray madaxda Kenya islamarkaana uu jawaab ka sugayo, wuxuuna hoosta ka xariiqay ineysan marnaba ka daaleynin u doodidda iyo wax u qabashada dadka Soomaaliyeed ee lagu dhibaateynayo dalkaasi.
Golaha wasiirrada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shalay dood adag ka yeeshay xarigii Qunsulka Safaaradda Soomaalida ee dalka Kenya Mudane Siyaad M. Shire waxaana goluhu isku raacay in xariga Diblumaasiga iyo dhibaatooyinka kale lagu hayo dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya ay wasaaradda arrimaha dabadu ka soo saarto war cad.
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxey u yeertay Danjiraha Soomaaliya ee dalka Kenya mudane Maxamed Cali Ameeriko si ay ugala tashato dhibaatada lagu hayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi iyo xarigii loo geystay Qunsulka Safaaradda.
Radio Muqdisho