Maamulka deegaanka Shalaanbood ee Gobalka Shabeelaha hoose, ayaa ku eedeeyay dilal ka dhacay deegaanka Buufoow inay ka dambeeyeen ciidamo ka amar qaata Guddoomiyaha Degmada Marka Maxamed Cismaan Yariisoow.
Nuur Cismaan Raage Guddoomiyaha deegaanka Shalaambood, ayaa wuxuu Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho, u sheegay in labo ruux oo shacab ah lagu dilay deegaanka Buufoow Bacaad oo Shabeelaha hoose ka tirsan.
Gudoomiyaha, ayaa ku waramaaya labada nin ee lagu dilay duleedka Magaalada Marka mid uun la xiriirto aanooyinka xagga beelaha ku aadan, wuxuuna intaa raaciyay in dhacdadaan ay la xiriirto, midii xalay ka dhacday Masaajidka Deegaanka Muuri.
Nuur Cismaan Raage, ayaa ka digay Gobolka Shabeellaha Hoose in uu ka qarxo dagaal beeleed, uu dhiig badani ku daato, isagoona ku baaqay in loo joogsado xal u helida dhibka taagan.
Wuxuu kaloo sheegay in inta udhaxeysa Marka iyo NO.50 dilalka ay ka noqdeen joogo oo micnahooda uu ku sheegay inay iska tahay wax caadi ah.
Warkii