Diplomasi (Minister-Councillor) Cawale Cali Kulane oo khudbad ka akhriyey shirka 47 aad ee gudiga dadka iyo horumatintootda ee Qaramada Midoobey

0
1155

Shirka Qaramada midoobay ee 47aad ee Gudiga Dadka iyo horumarintoodad oo ay soo abaabushay Qaramada midoobay UN, oo lagu qabtay Xarunta Qaramada Midoobay ee New York.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wafdiyo ka socda dalalka aduunka ku sugan oo idil, oo iskuugu jiro madax heerkooda iskuugu jiraan heer wasiir, Agaasimayaal iyo Diblomasiyeen iyo Madaxda ururada waaweyn ee la shaqeeyo Xafiisyada qaramada midoobay, shirka oo maantey lagu soo gabagabeeyey xarunta qaramada midoobay ee New york, ayaa waxaa dalka soomaaliya u mataleyey Dibloomasi sare (Minister-Councillor) Cawale Ali Kullane oo qudbad ka aqriyey shirka: halkaa uu ku sheegay in soomaaliya ay ka shaqeynayso horumarinta dadka soomaaliyeed, ayada oo marka la hormariyo xaaqijinta amniga, isla markaana si hufan loogu tala jiro taabagalinta iyo dardargalinta barnamijyada lagu hormarinayo Cafimaadka iyo waxbarashada iyo daryeelka guud ee shacabka soomaaliyeed iyo horumarintaa xirfad kordhinta iyo lagu tayeeynayo umada soomaaliyeed.

Waxaa uu mudane Kullane halka ka sheegay in dawlada soomaaliyeed ey ku taabo jirto tirakoobka shacabka soomaaliyeed iyo xaqijinta iyo xoojinta xogta lagu qiyaasi doono tirade shacabka soomaaliyeed taas oo ay fulinayso dawlada soomaaliyeed ayna la kashanayso hayada UNFPA-Somalia si loo helo loona aruuriyo xogta cadadka baahida aqooneed iyo mida daryeel, si loo curiyo qorshe siyaasaded ee hagi karo mashariic mira dhal leh o tayo badan, oona ku dhisan tira koob qeexan, si waxqabadka barnamijyada ay si hufan ugu faafaan dalka oo idil.

Sidoo kale waxaa uu mudane kullane xusay in ay daryeelka iyo horumarinta umada ay tahay hadafka ugu horeeya ay donayaan in ay madaxda dalka qaasatan Madaxweyne Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh. Maxamuud iyo Raisul Wasaaraha Dawlada Federaalka Soomaaliyeed Mudane Cabdiwali sheikh Ahmed ay si baahan kobciyaan daryeelka iyo horumarinta shacabka soomaaliyeed.

 

 

CawaaleCaliKulane20140411_1 QaramadaMidoobey20140411_2 QaramadaMidoobey20140411_1