Madaxweynaha dalka Kenya Uhurru Kenyatta ayaa uga digay siyaasiinta dalka Kenya in ay siyaasadeeyaan howl galadda ka dhanka ah dadka sharci darrada ku jooga dalka Kenya oo Soomaalidu ay ka mid tahay.
Kenyatta ayaa xusay in ay jiraan dad dowladda Kenya ku jira kuwaasi oo doonaya in ay fikrad qaldan ka bixiyaan howlgaladda Ciidamada Boliiska Kenya ay ka wadaan Magaalooyinka Nairobi iyo Mombassa ee lagu baacsanayo dadka sharci darada ku jooga dalka Kenya.
“Howlgalku waa mid ka dhan ah qof kasta oo sharci darada ku jooga dalka Kenya ma aha in aan bartilmaameedsaneyno Soomaalida oo kaliya ayuu Yiri Mr. Uhurru Kenyatta.”
Hadalka Madaxweynaha dalka Kenya Uhurru Kenyatta aya imaanaya xili howl gallo 2 todobaad ka badan ka socda Magaalooyinka Nairobi iyo Mombassa ee dalka Kenya lagu soo qab qabtay dad u badan Soomaali kuwaasi oo si sharci darra ah ku joogay dalka Kenya sida dowladda Kenya ay sheegtay, iyadoo ay xusid mudantahay in dowlada Kenya ku dhawaad 200 qof oo Soomaali ah ay ka soo masaafurisay dalkeeda ayna dib ugu soo celisay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Shabelle