Dowlada Kenya oo maanta bilaabaysa dib ugu soo celinta dalkooda muwaadiniin Soomaali ah oo ku noolaa Nairobi

0
1089

KenyanSoldiersInEastleighDowlada Kenya ayaa maanta bilaabaysa inay dib ugu soo celiso dalka Soomaaliya muwaadiniin Soomaali ah oo ay maalmihii la soo dhaafay ku soo qabqabatay howlgalo ay ka sameeyeen ciidamada Kenya deegaanka Islii magaalada Nairobi.

Inku dhow boqol ruux oo Soomaali ah ayaa la keenay saaka garoonka dayuuradaha magaalada Nairobi si loogu soo qaado dalka Soomaaliya.

Illaa iyo hadda lama oga tirada saxda ah ee ay dowlada Kenya dooneyso in ay dib ugu soo celiso dalka Soomaaliya, hase yeeshee boqolaal ruux oo Soomaali ah ayaa ku xiran saldhigyada magaalada Nairobi iyo sidoo kale garoonka lagu ciyaaro ee Kasarani.

Madaxweynayaasha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Kenya Uhuru ayaa ku heshiiyay in dadka Soomaalida ah ee aan sharciga ahayn ay ku soo wareejiso gacanta dowlada Soomaaliya dadka sharciga lehna ay sii deyso.

Hase yeeshee wararka ayaa waxa ay sheegayaan in xabsiyada ay ka buuxaan boqolaal ruux oo ka soo jeeda dalka Kenya balse asalkoodu Soomaali ah.

Jowhar