Dowladda oo la wareegtay deegaan u dhow Buulo-burte

0
945

Ciidamadaxooga1Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa la wareegay gacan ku haynta deegaanka Ceyn oo 36 km dhinaca waqooyi-bari uga beegan degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan, kaddib markii ay ka saareen maleeshiyada Al-Shabaab oo horay ugu sugneyd.

Xuseen Hoorow oo ka mid ah saraakiisha ciidanka dowladda oo la hadlay Bar-kulan ayaa sheegay in dagaal halkaas ku dhex maray iyaga oo kaashanaya ciidamada AMISOM iyo dadka deegaanka iyo Al-Shabaab uu sababay inay maleeshiyadu banneyso deegaanka.

Sarkaalka ayaa xusay in labo qof oo ka tirsaneyd maleeshiyada lagu dilay dagaalka, kuwo kalena dhaawac lagu qabtay, isagoo tilmaamay in deegaanka Ceyn uu ahaa saldhigga ugu weyn ee ay Al-Shabaab ka abaabuli jirtay weerarrada qorsheysan.

Xuseen Hoorow ayaa sheegay in deegaanka ay ciidamadu ka samaysan doonaan fariisimo si loo sugo ammaanka.

Bar-kulan