Dowladda oo sheegtay in Masuuliyiin dowladda ka tirsan ay Musuq Maasuqeen Raashiin Gar gaar

0
1167

Godax20140304Isagoo ka hor hadlayay Baarlamaanka Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Golaha Baarlamaanka ayuu sheegay in ay jiraan Masuuliyiin dowladda ka tirsan oo loo dhiibay sahay gar gaar oo lunsaday.

Wasiiirka ayaa carabka ku dhuftay in Masuuliyiin loo xil saaray in deeqo gar gaar ay dadka danyarta ah ugu geeyaan Gobollada Bay iyo Bakool ay leexsadeen laakiin laga soo celiyay in badan oo ka mid ah deeqahaasi kadibna loo weeciyay xaalado beni’aadanimo oo ka jirtay Gobolka Shabeelaha dhexe in loogu gurmado.

Isagoo sii wata hadalkiisa ayuu sheegay Wasiirka in haddii uu jiro Xildhibaan qaadi kara Masuuliyad uu ku gaarsiinayo deegaanada uu ka soo jeedo gar gaarka Raashin uu yaallo dowladana ay ku wareejineyso isagana lagala xisaabtami doono wixii Musuq Maasuq ama isdaba marin ah oo ku yimaada.

Hadalkaan ayuu kaga Jawaabayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre su’aalo ay ka weydiiyeen dhanka Musuq Maasuq lagu sameeyay raashinka gar gaar ee loogu tala galay dadka ku dhibaateysan Gobollada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Shabelle