Xildhibaanada golaha deegaanka magaalada Gaalkacayo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa maanta si rasmi ah u doortay duqa degmada Gaalkacayo iyo ku xigeenkiisa, kuwaas oo kala ah Cabdi-casiis Max’ed Guuleed “Nugaal” oo noqday duqa degmada Gaalkacayo halka ku xigeenkiisana loo doortay Yacquub Max’ed Cabdalla.
Madaxweynaha maamulka Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Gaas iyo qaar ka mid ah golayaasha dawladda ayaa ka qayb galay munaasabadda doorashada maamulka Gaalkacayo, taasi oo ka dhacday hoolka shirarka ee xarunta Xaawo Aadan.
Doorashada duqa degmada ee magaalada Gaalkacayo ayaa waxaa ku tartamayay sadex xildhibaan oo kala ah C/llaahi Cabdi-weli Gabayre,Xasan Max’ed Khaliif iyo Cabdi-casiis Max’ed Guuleed “Nugaal” Wareegii kowaad ee doorashada waxaa ku tartamayay sadexdaasi musharax, waxaana wareega labad u gudbay musharax Cabdi-casiis Max’ed Nugal iyo
musharax Xasan Max’ed Khaliif, Wareegii ugu danbeeyey ee doorashada duqa degmada ee magaalada gaalkacayo ayaa waxaa ku guulaystay Cabdi-casiis Max’ed Guuleed “Nugaal” oo helay 15-cod, halka Xasan Max’ed Khaaliifna uu helay 11-cod, iyadoo uu xumaaday 1-cod.
Sidoo kale ku xigeenka duqa magaalada Gaalkacayo ayaa waxaa utartamayay Yacquub Max’ed Cabdalla iyo Cabdi Cismaan Faarax “Ciiro” iyagoo kula kabxay codad dhan 19-cod oo uu helay Yacquub Max’ed, halka Cabdi Cismaan uu helay 8-cod, waxaana ku xigeenka duqa degmada Gaalkacayo ku guulaystay Yacquub Max’ed Cabdalla. Markii ay doorashadu soo dhamaatay waxaa hanbalyo isu diray mudanayaashii guulaystay iyo kuwii laga guulaystay oo u tartamayay
hogaanka maamulka degmada ee magaalada Gaalkacayo .
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa hanbalyo u diray masuuliyiinta kala duwan ee ku guulaystay hogaaminta maamulka degmada iyo masuuliyadda magaalada Gaalkacayo , wuxuun u sheegay in laga sugyo fulinta ballanqaadyadii ay sameeyeen.
Madaxweyne Gaas ayaa sidoo kale masuuliyiinta loo doortay usheegay in haddii ay fulin waayaan waxqabadka ay ballan qaadeen ay wareejin doonaan masuuliyadda saaran, isla markaana loo dhiibi doono cid kale oo ka bixi karta masuuliyadda degmada Gaalkacayo.
Magaalada Gaalkacayo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa si rasmi ah u heshay gole deegaan oo dhamaystiran , kadib sanado badan oo golaha deegaanka ee degmadu aanu shaqayn, waxayna arrintani qayb ka tahay ballanqaadyadii ay samaysay Dawladda cusub ee uu hogaaminayo
Madaxweyne Dr. Cabd-weli Max’ed Cali Gaas.
Radio Muqdisho