War ay heshey warbaahinta Warkii.com ayaa sheegaya in Eng. Cabdiraxmaan Cismaan Cumar (Yariisow) uu iska casiley xilkii uu ka hayey xafiiska Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud. Eng. Yariisow ayaa sanadkii 2013 bishii April loo magacaabey Afhayeenka madaxweynaha ahna la taliye sare, waxaana xilka uu iska casiley shalay oo taariikhdu ahayd 23 April 2014.
Eng. Cabdiraxmaan Cismaan Cumar ayaa ku gaabsadey in uu xilka iska casiley sababtuna ay tahay sidii uu fursad u siin lahaa dhalinyarada kale isla amrkaana uu isugu diyaarin lahaa in uu raadsado fursado kale.
Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa muddadii uu joogey xafiiska Madaxweynaha wax weyn ka bedalay dhanka xiriirka ee xafiiska Madaxweynaha, waxaana uu ahaa isha lagala socdo isbeddelka iyo dhaq-dhaqaaqyada xafiiska.
Inj. Yariisow ayaa horey ula soo shaqeeyey xukuumadihii kumeelgaarka ahaa ee Soomaaliya, waxa uu ka soo shaqeeyey xafiiska Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif, Waxaana uu xukuumadda laba jeer ka noqdey Wasiirka Lacagta iyo Wasiirka Warfaafinta, xukuumaddii u danbeysey ee kumeelgaar ah ee uu hoggaaminaayey Dr Cabdiwerli Cali Gaas ayuu ahaa afhayeenka xukuumadda ahna la taliye sare.
Warkii