Iska Hor’imaadkaan ka dhacay Gobolka Shabeelaha Hoose shalay gelinkii dambe illaa xalay ayaa waxa uu u dhexeeyay Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Ciidamo Milatari iyo Nabad Sugid ah kuwaaas oo isku haya gacan ku heynta deegaanka Buufow iyo Deegaanno kale oo ka tisran Shabeelaha Hoose.
Dagaaladaan ayaa yimid xilli Maalmihii la soo dhaafay ay ka socdeen Gobolka Shabeelaha Hoose qaadista Jid Gooyooyinka iyadoo iska hor’imaadku uu ka dmabeeyay iska cabin ay sameeyeen Ciidamada Milatariga ee lahaa Isbaarooyinka deegaanada lagu dagaalamay.
Ciidamada Milatariga ah ee dagaalka kala horyimid Ciidanka Nabad Sugida ah ayaa la xaqiijiyay in ay ahaayeen Ciidamo ka amar qaata Geeseey Cali Indhoole oo ka tirsan Saraakiisha dowladda Soomaaliya.
Si kastaba weli waxaa dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo aad u xoogan laga dareemayaa deegaanada lagu dagaalamay iyadoo Ciidamo Milatari ah ay shalay gelinkii dambe la wareegeen deegaanka Buufow ayaa hadana waxaa halkaasi mar kale ku baxay Ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan kuwa Nabad Sugida dowladda Soomaaliya.
Shabelle