Gaari ay miino kula qaraxday Guriceel

0
922

Qarax20140102_1Hal qof ayaa ku dhintay qof kalena wuu ku dhaawacmay kaddib markii gaari ay la socdeen ay xalay miino kula qaraxday deegaanka Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Taliyaha booliska ee deegaanka Guriceel Muuse Macallin Maxamed ayaa sheegay inay baarayaan sida ay wax u dhaceen.

Gaariga waxaa saarnaa dad rakaab ah oo ka yimid magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, oo ku sii jeeday magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Waxaa la sheegayaa inuu qaraxu yahay kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee ka dhaca Guriceel.

Bar-kulan