Gabar dil loogu geystay degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir

0
1083

TargetingAssasinationKooxo Hubeysan ayaa xalay waxa ay ku dileen Nafiso Cismaan Gabar lagu Magacaabi Jiray ku dileen Degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir taas oo ka qalan Jabisay Mid ka mid ah Jaamacadaha Muqdisho.

Goob Joogayaal ku sugan Xaafadda Coca-Cola ee degmada Yaaqshid ayaa Shabelle u xaqiijiyay in gabadha Gurigeeda lagala soo baxay islamarkaana dableey Hubeysan ay ku dileen Halkaasi.

Nafiso Cismaan Salaad ayaan la ogeyn sababaha dilkeeda iyadoo Maamulka Degmada Yaaqshid ay sheegeen in ay ku raad joogaan Kooxihii ka dambeeyay dilkeeda sida Shabelle ay u sheegeen.

 

Shabelle