Gawaarida muraayadaha madow oo Muqdisho laga mamnuucay

0
973

CarTitntedWindowTaliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa mamnuucay in gawaarida muraayadaha madow leh lagu dhex wato magaalada Muqdisho.

Taliyaha booliska Soomaaliya, Jeneraal Cabdixakiim Daahir Saciid ayaa sheegay in muraayadaha mad-madow ay khatar ku yihiin ammaanka caasimadda, sidaa darteedna aan la oggolaan doonin.

Taliyaha ayaa tilmaamay in aan sidoo kale la oggoleyn isticmaalka gaadiidka aan lahayn taargada iyo warqadda lahaanshaha iyo wadeyaasha aan haysan ruqsadda gaari-wadista.

Taliyaha ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay magaalada Muqdisho.

 

Bar-kulan