Jeneraal Bashiir Maxamed Jaamac (bashiir Goobbe) oo ah Taliyaha hay’adda sirdoonka Soomaaliya, ayaa sheegay in qaar ka tirsan burcad badeedda Soomaalida ay ku biireen ciidamada Al-Shabaab sida uu yiri, isagoo ka hadlayay shalay shirka ammaanka ee ka socda Muqdisho ayuu sheegay in burcad badeedda ku biirtay Al-Shabaab ay isku bedeleen sida uu yiri inay qafaalaan dadka ajaaniibta ah ee ku sugan dalka iyo dalalka deriska, iyagoo dadka la-haystayaasha ah ka iibiya Al-Shabaab ,wuxuuna intaasi ku sii daray in markaasi kadib ay Al-shabaab ku gorgortonto la-haysteyaasha lagu wareejiyay,waa sida uu hadalka u yiriye.
Jeneraal Bashiir goobbe ayaa walaac ka muujiyay iskaashiga cusub ee dhex maray Al-Shabaab iyo qaar ka tirsan burcad badeedda, wuxuuna ku baaqay in dhammaan hay’adaha ammaanka ee dalka ay iska kaashadaan sidii dagaal dhulka ah loola gali lahaa noocan burcadda ah ee halista badan sida uu yiri.
Warkii