Guddiga Gaadiidka Baarlamaanka oo soo dhaweeyay Go’aankii Xildhibaanadu ku laaleen in shirkad Turkey ah ay la wareegto Howlaha Dekedda

0
980

Barlamaanka20131202_1Guddiga Gaadiidka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay Go’aan shalay Baarlamaanka Soomaaliya uu ku gaaray in aan wax Shirkad Turkey ah lagu wareejin Karin Howlaha Dekedda Muqdisho.

Guddoomiyaha Guddiga Gaadiidka Baarlamaanka Soomaaliya Cismaan Aadan Dhuubow oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in qaladaad ay horay u gashay Xukuumadda uu qalalaaso ka dhex abuuray dowladda Soomaaliya haatanna aan loo baahneen heshiisyo dhuumaaleysi ah oo Ilaha dhaqaalaha dalka loogu wareejiyo Shirkado Shisheeye.

Si kastaba shalay ayey ahayd markii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu laalay go’aan shirkad Turkey ah lagula wareejin lahaa Howlaha Dekedda Muqdisho.

Shabelle