Guddoomiyaha cusub ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir, Cabdulqaadir Cali Kulane ayaa kala wareegay xilka guddoomiyihii hore ee degmadaas Cabdi Maxamuud Warasame Dhabaney.
Guddoomiyihii hore ee degmada ayaa sheegay inuu la shaqeynayo guddoomiyaha cusub iyo maamulka degmada ee uu hoggaaminayo.
Cabdulqaadir Cali Kullane, guddoomiyaha cusub ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa guddoomiyihii hore ku ammaanay wax qabadkiisii, wuxuuna ballanqaaday inuu sii dar-dar galinayo dadaalkii guddoomiyihii hore.
Wareegto dhowaan ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen ayaa xilka loogu magacaabay Cabdiqaadir Kulane.
Bar-kulan