Guddoomiyaha cusub ee Degmada Shangaani oo sheegay in uu ka shaqeyn doono horumarinta adeegyada bulshada

0
1122

XamarWeyne20130819Munaasabadaan oo xilka kula wareegayay guddoomiyaha cusub ee Degmada Shangaani oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka socotay maamulka Gobolka Benaadir, guddoonka cusub ee degmada, qeybaha kala duwan ee bulshada ku kunool degmada Shangaani ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Maamulka Degmada Shangaani ee gobolka Benaadir.

Guddoomiyihii hore ee degmada Shangaani Cali Cumar oo goobta hadal ka jeediyay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in xilka gudominimada oo ku wareejiyo Guddoomiyaha cusub ee Degmada Shangaani loo Soo magacaabey.

Guddoomiyaha cusub ee degmada Shangaani Saciid Cabdiqaadir oo Munasaabada ka hadley ayaa sheegay in uu ka shaqeyn doono horumarinta adeegyada guud ee bulshada iyo xoojinta amniga.

Afyeenka Maamulka Gobalka Banaadir Cabdibaasid Maxamed Cabdiraxmaan oo ugu dambeyntii munasabada ka hadaley ayaa ugu baaqey Bulshada kunool degmada Shangaani iney la shaqeyna Maamullka cusub ee degmada loo so magacaabay, isagoo guddoonka cusub kula dar daarmay inay la yimaadaan isbadal muuqdo.

Tani waxa ay qeyb ka tahay isbadalka Maamulka gobolka ee xagga Guddoomiyeyaasha degmooyinka.

 

Radio Muqdisho