Gudoomiyaha cusub ee degmada Xamar Weyne oo maanta si rasmi xilka ula wareegaya

0
2044

XamarWeyne1Gudoomiyaha cusub ee degmada Xamar weyne C/qaadir Maxamed C/qaadir ayaa maanta la filayaa inuu si rasmi xilka ula wareego, kadib markii shalay xilka loo magacaabay.

Gudoomiyaha cusub ayaa xilka kala wareegaya Gudoomiyihii hore C/llaahi Sahal Gardhuub oo in muddo hayay.

Mr C/qaadir Maxamd C/qaadir oo ah nin dhalinyaro ah ayaa ku soo waxbartay dalka Sudan, waxaana ka sokow magacaabistiisa ay is bedel u noqoneysa hanaanka maamul ee degmada Xamar weyne, maadaama 23-sano aan degmadaas loo magacaabin nin ka soo jeeda deegaanka.

Dadka odorasa siyaasada ayaa sheegaya inay baal cusub u furi doonto magacaabista Gudoomiyaha degmada Xamar weyne oo ah nin ka soo jeeda beelaha Banaadiriga, maadaama aanay horay u dhicin in muddo ah in degmadaas uu xilkeeda qabto nin ka soo jeeda beelahaas.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa socday is bedelo lagu sameynayay Gudoomiyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir ee mudada sanadaha xilka hayay, iyadoo haatan kala bar Gudoomiyeyaasha la bedelay, waxaana la dhowrayaa kuwo dhiman in la bedelo.

Jowhar