Gudoomiyaha Gobolka Shabelada dhexe oo shegay in Dagaalkii Balcad uu salka ku hayay xil ka qaadis

0
1055

balcadGudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Cabdi Jiinow Calasow ayaa ka hadlay dagaalkii shalay ka dhacay degmada Balcad, kaasoo u dhaxeeyay ciidamo boolis iyo milateri, isagoo ku dhawaaqay in dhowaan Maxkamad la horkeeni doono cidii ka dambeysay dagaalka.

Dagaalkii shalay ka dhacay degmada Balcad ayaa waxaa la sheegay inay ku dhinteen ilaa lix askar, halka ay ku dhaawacmeen toban kale, waxaana dagaalkaas ka dambeeyay markii is hor-taag lagu sameeyay Ciidamo Boolis ah oo ka baxay magaalada Muqdisho, kuna sii jeeda Jowhar.

Cabdi Jiinow ayaa sheegay in dagaalka uu salka ku hayay amar diido uu sameeyay Gudoomiyaha degmada Balcad Cusmaan Xaadoole, kadib markii xil ka qaadis lagu sameeyay sida uu yiri.

“Waxaa filayaa in dagaalka salka ku hayay amar diido uu sameeyay Cusmaan Xaadoole oo xil ka qaadis lagu sameeyay, waxaa socda kulan Gudiga Ammaanka qaranka leeyihiin, sharciga ayaana la soo taagayaa cidii ka dambeysay”ayuu yiri Cabdi Jiinow.

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Cabdi Jiinow iyo Gudoomiyaha degmada Balcad Cusmaan Xaadoole ayaa waxaa soo dhex galay khilaaf xoogan oo sababay in aanay is dhex marin, waxaana marka uu Cabdi Jiinow isaga kala gooshayo Muqdisho iyo Jowhar uu isticmaalaa wado wareeg ah oo aanu soo marin degmada Balcad.

Xaalada degmada Balcad ayaa degan, iyadoo goobtii lagu dagaalamay ay ku sugnaayeen ciidamo AMISOM, waxaana askartii ku dhaawacantay dagaalka la dhigay Isbitaalo ku yaala magaalada Muqdisho.

Warkii