Gudoomiyaha Gobolka Sh/Hoose oo ka warbixiyay howl gal lagu qabtay Saraakiil ka tirsan Shabaab

0
936

CabdulqadirSiidi20130610Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii) ayaa ka warbixiyay howl galo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM si wada jir ah ugu sameeyeen degmada Qoryooley, kaasoo lagu soo qabtay saraakiil la sheegay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab.

C/qaadir Siidii oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in labada nin ee la qabtay mid ka mid ah uu ka go’naa lugtiisa, isagoo xusay inuu ahaa ninkii wax ka abaabulay weerarkii Xarunta Xalane lagu qaaday sanadkii 2009-kii.

“Labada nin la qabtay mid ka mid ah lugta ayaa ka go’an, gacanta lagu hayaa, waa la wareystay, wuu qirtay inuu ku lug lahaa weerarkii Xalane”ayuu yiri C/qaadir Siidii oo intaa ku daray in lagu raad-joogo saraakiisha Shabaab ee ku sugan Gobolka Shabeelaha Hoose.

Waxaa uu sheegay in dagaalyahanadi Shabaab ay kala jiraan dhinaca Diinsoor iyo Baraawe, waxaana uu xusay in dhowaan ay ku sii jeedaan deegaanada Kuntuwaarey, Sablaale iyo Buulo Mareer.

“Saraakiisha Shabaab Shabeelaha Hoose guryo badan ka dhisteen, qaarkood baa afar xaas qaba, caruur ku dhaleen, marka ma fakan doonaan”ayuu yiri Siidii.

Wasiir kuxigeenka Amniga Qaranka Ibraahim Isaaq Yarow ayaa war uu siiyay Warbaahinta Muqdisho waxaa uu ku sheegay in howl galo laga sameeyay Qoryooley lagu soo qabtay saraakiil muhiim ahaa oo ka tirsan Shabaab, kaasoo mid ka mid uu sheegay inuu wax ka ogaa weerarkii Xalane.

Ciidamada dowladda iyo AMISOM ayaa bishii hore la wareegay degmada Qoryooley, halkaasoo dagaalo adag ay kala kulmeen Al-Shabaab, iyadoo deegaanka ay ka barakaceen dadkii ku noolaa.

Jowhar