Iyadoo ay socoto qorshayaasha is bedelka guud ee lagu sameynayo Gudoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in Gudoomiyeyaal hor leh xilalka laga qaaday.
Warar ay heleyso Jowhar.com ayaa sheegaya in Gudoomiyihii degmada C/casiis C/llaahi Xuseen Xasan (Fanax) xilka laga qaaday, kadib wareegto ka soo baxday Gudoomiyaha Gobolka ahna duqa Muqdisho Muungaab.
Wararka ayaa sheegaya in Mr Fanax lagu bedelay nin lagu magacaabo Cismaan Muxidiin, waxaana la filayaa in maalinta sabtida ee soo socota xaflad xil wareejin ay ka dhacdo xarunta degmada C/casiis, si rasmi ahna xilka loogu wareejiyo Gudoomiyaha cusub.
Ilaa afar Gudoomiye ayaa horay xilalka looga qaaday, waxaa ka mid ahaa Gudoomiyeyaasha Shibis, Huriwaa, Boondheere iyo Dharkeenley, iyadoo si rasmi ah ay xilalka ula wareegeen Gudoomiyeyaasha cusub ee degmooyinkaas loo magacaabay.
Sidoo kale waxaa miiska saaran Gudoomiyeyaasha degmooyinka Kaaraan, Dayniile iyo Xamar weyne, waxaana todobaadka soo socda la filayaa in la guda galo wajigii labaad ee xil ka qaadista degmooyinka, marka la dhameystiro sideed degmo gudoomiyeyaashooda cusub, sideeda kalena todobaadka xiga la guda geli doono.
Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa si xooga u socday is bedelka Gudoomiyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir, iyadoo lagu bedelay Gudoomiyeyaal dhalinyaro ku soo waxbartay dalalka deriska qaarkood.
Laakiin dadka qaar ayaa shaki gelinayay qaabka magacaabis ee Gudoomiyeyaasha cusub oo la sheego inay hal dal ku soo wada waxbarteen Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Mr Muungaab.
Si kastaba ha ahaatee is bedelkan guud ee gudoomiyaasha degmooyinka ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee lagu raaf dhamaan Gudoomiyaashaas tan iyo sanadkii 2007-dii oo intooda badan si rasmi xilalkaas u qabteen.
Jowhar