Gudoomiyihii Xamar Jajab oo xilka laga qaaday iyo afar Gudoomiye oo ka soo haray kuwii hore

0
1227

Muungaab20140227Wareegto ka soo baxday Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho ayaa xil ka qaadis lagu sameeyay Gudoomiyihii degmada Xamar Jajab oo ahaa Gudoomiyihii ugu da’da yaraa Gudoomiyeyaashii degmooyinka Gobolka Banaadir.

Inkastoo shaqsiyaadka maalmahan loo magacaabayay Gudoomiyeyaasha degmooyinka ay ahaayeen dhalinyaro fir fircoon, hadana maka baajin in Mr Maxamed Axmed Cali Gudoomiyihii Xamar Jajab inuu ku sii negaado xilkaas.

Gudoomiyaha cusub ee loo magacaabay degmada Xamar Jajab waxaa lagu magacaabaa Axmed Cismaan Dhoore oo la sheegay inuu ka mid yahay dhalinyarada ku soo waxbaratay dalka Sudan.

Inta badan Gudoomiyeyaasha loo magacaabay degmooyinka ayaa waxay ku soo waxbarteen dalka Sudan oo ay uga soo baxeen Jaamacado, waxaana ilaa iyo hada ka mid ah Gudoomiyeyaasha Shibis, Huriwaa, Waabari iyo Xamar weyne, iyadoo labo kale ay kuxigeeno yihiin.

Warar ay heleyso Jowhar.com ayaa sheegaya in xil ka qaadis lagu sameeyay Gudoomiyeyaashii degmooyinka Hodan iyo Shingaani, waxaana haray kaliya afar Gudoomiye oo kala ah Gudoomiyeyaasha degmooyinka H/wadaag, wadajir, Yaaqshiid iyo Warta Nabada ama Wardhiigley.

Is bedelada lagu sameynayay beryahan Gudoomiyeyaasha degmooyinka ee mudada sanadaha xilka haya, ayaa ahaa kuwo soo taxnaa, waxaana hada Gudoomiyeyaashii hore ka soo haray ilaa afar Gudoomiye.

Jowhar